Afgooye,(insidesomalia.org)- Xiisado Colaadeed oo u dhexeeya labo maleeshiyo Beeleed ayaaka taagan Deegaano ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shebelaha hoose.
Xiisadani ka taagan deegaanka Lib Soma ee Degmada Afgooye isla markaana u dhexeeysa labo maleeshiyo Beeleed ayaa salka ku heysan isqabqabsi dhawaanahan ka taaganaa dhul beereed ku yaala halkasi, kaasi oo ay shalay isaga dileen 2 qof mid kalena uu ku dhaawacmay oo ka mid ah maleeshiyaadka dagaalamayay.
Dadka ku dhaqan halka uu deegaankaasi ku yaalo ee lagu dagaalamayo ayaa bilaabay in ay isaga firxadaan, iyagoo ka baqadin qaba in saameeyn ay ku yeelato dagaalada halkaasi ka aloosan maadama ay maleeshiyaadku yihiin kuwo weli isku heelan.
Ma jiraan wax odayaal ah oo ku baxay qaboojinta xiisadahani ka taagan deegaanka Lib Soma ee degmada Afgooye isla markaana ma jiraan wax war ah oo ay ka soo saareen maamulka ka arimiya gobolka Shabelaha hoose oo ku aadan hakinta xiisdaani colaadeed ee ka taagan gobolka Shabelaha hoose.
Dhawaan ayeey aheeyd markii sidan oo kale ay maleeshiyo Beeleed kuwada dagaalameen dhul beereed ku yaala gobolka Shabelaha hoose, kaasi oo markii danbe ay kala dhex galeen xoogaga ka soo hor jeeda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.